Doorashada madaxweynaha waxa ay dhacaysaa 5-ta Noofembar ee soo socota . Waxaa jira xaqiiqooyin aanay dad badan ka dheregsaneyn oo doorashada Mareykanka ku xiriira.
1. Yaa baratamaya?
Marka laga tago tartanka ugu weyn ee loogu galo xafiiska Madaweynaha, oo hadda ay u baratamayaan madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Donald Trump – waxaa jira codad kale oo dadku ay ku kala dooranayaan, xafiisyada dadweynaha ee kala duwan, heer gobol ilaa degmo.
Xiiliga doorashada waxaa sidoo kale miiska saran oo la soo dooranayaa dhammaan 435-ta kursi ee Golaha Wakiilada , sida labadii sanaba mar loo soo doorto.
Aqalka Senetka, oo ay xubnuhu ay shaqeeyaan lix sano, ayaa 34 ka mid ah 100-ka kursiga Aqalkan ay sidoo kale sanadkan miiska saaranyihiin oo la soo dooranayaa 11 kursi oo kuwa gudoomiyeyaasha gobolada ah ayaa miiska saran. Waxa kale oo jira kumannaan tartan oo dowladaha hoose iyo xafiisyada mayarada ah oo tartanka ku jira.
2. Goorma ayay codayntu dhacaysaa?
Dalkan Mareykanka dadka badankood waxay goobaha codbixinta tagaan maalinta 5ta ay tahay bisha November ee afartii sanaba mar xilliga doorashada.
Dadku sidoo kale waxay fursad u helaan inay codadkooda sii dhiibtaan.
Qaarkood ayaa iyagoo dalka ka maqan soo codeeyay. Kuwna boostaha ayey ku soo diraan.
3. Waa kuwee gobolada aadka loogu baratamo?
Todobada gobol ee codadkoodu cidii heshaa ay guuleysato ayaa kala ah: Pennsylvania, Georgia, North Carolina, Michigan, Arizona, Wisconsin iyo Nevada.
Goboladan wey isbedelaan, waana sababta loogu bixiyay Swing States – ama gobolada codadkoodu guur guuraan.
Goboladan taageerayaasha labada xisbi ayaa aad isugu dhow.
4. Yaa codayn kara doorashada?
Waxaa codeyn kara muwaadin kasta oo heysta dhalashada Mareykanka oo gaaray da’a 18 jirka oo ay ku jiraan kuwa maalinta doorashadu dhaceyso 18 sana jir noqda, oo buuxiyey shuruudaha.
Shuruudaha waxaa ka mid ah in codbixiyuhu la diwaan geliyo, uuna ku codeeyaa waqtiga kama dambeysta ah oo ah 5ta November, iyadoo saacad ahaan goboladu ay kala duwanyihiin.
Gobollada qaar ayaa qaba sharciyo xaddidaya in dadka lagu xukumay dembiyada culus, iyo kuwa maskaxiyan dhiman ay codeeyaan.
5. Yaa loo saadaalinayaa inuu guuleysto?
Codbixinno badan ayaa hadda muujinaya farqiga u dhexeeya musharraxiinta dhammaan toddobada gobol ee aadka loogu tartamo – halkaas oo natiijada codbixinta ay u badan tahay in la go’aamin doono – inay ku jiraan khaladaadka codbixinta.
Doorashada ka hor waxaa jira ra’yi baaris lagu sameeyo dadka Mareykanka ooh adda muujinaya inay labada murashax aad isugu dhowyihiin.
6. Sidee u shaqeyaa nimaadka electoral Collegueka loo yaqaan?
Waa ergo doorasho oo tira leh ama wax loo yaqaan Electoral College, oo lagu saleeyay tirada shacabka gobolada, kuwaas oo farsama ahaan go’aan ka gaara doorashada madaxweynaha iyadoo la eegayo natiijada codbixinta ee gobol kasta.
Ergadan ayaa leh 538 oo ah codad urursan marka la isku daro tirade guud ee metalayaasha gobolada.
Tiradaasi waxay la mid tahay wadarta guud ee xubnaha codaynta ee Koongareeska Maraykanka oo ah 435 wakiil, oo lagu daray 100ka Aqalka senatorada , iyo sidoo saddex ergo doorasho oo ka socda Degmada Columbia oo ah magaaladan Washington.
Si hadaba madaxweyne oo murashax ugu guuleysto, kuma filna codadka dadweynaha oo kaliya ee waa inuu ku guuleystaan aqalabiyadda 270 ka mid ah codadka ergada.
Waxaa jiray murashixiin horey ugu guuleystay codadka daweynaha laakiin waayay codka ergada. Waxaa ka mid ah madaxweynayaashii John Quincy Adams, Rutherford B. Hayes, Benjamin Harrison, George W. Bush, iyo Trump xilligii doorashadii 2016kii.
Dadka nidaamkan erga doorashada wax ka sheega waxay ku dhaliilaan inuu yahay mid aan ka turjumeyn rabitaanka shacanka mareykanka iyo codkooda.
Kuwa taageersan ayaa iyaguna qaba inuu yahay nidaad loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda gobolada dadkoodu yaryihiin hase yeeshee baaxad ahaan weyn iyo kuwa dadkoodu badanyihiin ee juquraafi ahaan yar yar.
7. Sidee loo tiriyaa codadka?
Tirinta cod kasta waxay qaadan kartaa maalmo iyo mararka qaarkood toddobaadyo, waana hab dib u dhigi kara natiijada rasmiga ah ee gobolada qaarkood.
Wixii ka dambeeya maalinta doorashada, waxaa jira dhowr taariikhood oo muhiim ah oo ay ku jiraan tirinta codadka rasmiga ah iyo habka shahaadaynta oo dhaceysa Diseembar 11keeda.
Dawlad-goboleedyada waxaa looga baahan yahay inay caddeeyaan liiska cod-bixiyayaasha Diseembar 17keeda.
538ka ergo doorasho iyo sadexda ergo ee Washington ayaa ku kulmaya si ay go’aan u gaaraan oo ay u saxeexaan shahaadooyin Diseembar 25keeda.
Shahaadooyinka doorashada waa in loo gudbiyaa Washington Janaayo 6deeda.
Koongarasku wuxuu kulmaa kalfadhi wadajir ah si loo tiriyo oo loo caddeeyo codadka erga doorashada, iyo cidda ku guuleysatay.
8. Sidee loo xaliyaa muranada ka dhasha natiijada Doorashada iyo Khilaafka?
Musharixiinta waxay heystaan waqti xaddidan, caadi ahaan maalmo ama toddobaadyo ka dib doorashada, si ay u diidaan ama uga hor yimaadaan natiijada.
Murankaa waxaa lagu xaliyaa hanaanka sharci ee heer degmo, gobol, heer federaal, iyo Maxkamadda Sare ee Mareykanka.
0 Comments