Ticker

6/recent/ticker-posts

Maxaan kala soconnaa waddada dhaawacyada Qasa la mariyo iyo muhiimadda ay leedahay

 


Rayidkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Qasa ayaa ka ka gudbay xadka Rafax ee Masar tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa'iil iyo Xamaas bilowgii bishii Oktoobar.

Tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo si xun u dhaawacmay ayaa lagu qaaday ambalaasyo, boqolaal baasabooro ajnabi ah wata ayaa sidoo kale u talaabay dhanka Masar.

Masar ayaa sheegtay in marka hore ay ogolaan doonto in ka badan 80 qof oo dhaawac ah iyo in ka badan 500 haysta baasabooro anjabi ah, ayna wadar ahaan ka soo gudbi karaan xadka ka dib heshiiskaas la sheegay in Qadar dhexdhexaadinaysay.

Waa markii ugu horeysay oo sidan oo kale dhacdo tan iyo markii uu dagaalku billowday in ka badan saddex toddobaad ka hor. Ma cadda ilaa inta uu xadka sii furnaan doono.

Xadka Rafax ayaa hore loo furay in ka badan 10 maalmood si loo ogolaado gargaar gaara Qasa, ilaa haddana in ka badan 200 oo gawaari sida gargaar aad loogu baahnaa ayaa ka talaabay xadka inkastoo sida hay' adaha bini’aadanimada ka shaqeeya ay sheegayaan in loo baahan yahay mid kale oo dheeri ah.

Waa halka dhanka koonfureed ugu xigta ee looga baxo Qasa, waxayna xuduud la leeyaday gacanka siinaay ee Masar.

Waxaa jira laba xuduud oo kale oo laga soo galo marinka Qasa. Erez oo looga gudbo Israa'iil oo ku taal woqooyiga Qasa, kaas oo loogu talagay inay dadka ka gudbaan iyo Kerem Shalom, oo ah kan badeecadaha ganacsiga isaga kala gooshaan oo ku yaal dhanka koonfurta Israa'iil ee Qasa . Labaduba way xidhan yihiin.

Rag hubaysan oo ka tirsan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, ee maamusha Qasa ayaa weerar ku qaaday isgoyska Erez, 7-dii October weerar aan hore loo arag ayey ku qaadeen koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,300 oo qof.

Maalmo ka dib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in labada irrid ee Erez iyo Kerem Shalom ay xiran yihiin ilaa amar dambe, taasoo ka dhigeysa xadka Rafax jidka keliya ee dadku ka soo galaan uguna bixi karaan Marinka.

Rafax hadda waa dhuunta kaliya ee laga gudbiyo gargaarka bini'aadantinimo ee loo gaynayo kuwa ku dhibaataysan gudaha Qasa.

Xamaas iyo Masar ayaa gacanta ku haya cidda mari karta, balse hawlgallada ayaa hakad galay tan iyo markii Israa’iil ay billowday inay mowjado duqeymo ah ku garaacdo Qasa taasoo ay uga aargoosanayso weerarada Xamaas.

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in marinka la xiray ka dib saddex weerar oo Israa’iil ay geysatay 9 iyo 10kii Oktoobar, kuwaasoo ay sheegeen inay dhaawacyo ka soo gaareen dhinacyada Masar iyo Falastiiniyiinta ee xadka.

Masar ayaa 12 oktoobar ka dalbatay Israa’iil inay joojiso duqaymo ay ku garaacday meel u dhow marinka Rafax, si ay u caawiso dadka rayidka ah ee Qasa laakiin taasi ma hirgalin.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in waddamada khaliijka ay wadeen wadahadalo u dhaxeeya Masar, Israa'iil iyo Xamaas, iyagoo kaashanaya Mareykanka.

Waana heshiiskan u ogolaaday qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah iyo kuwa haysta baasaboorrada ajnabiga ah inay ka baxaan Marinka Qasa.

Qadar waxay hoy u tahay hoggaanka siyaasadda ee Xamaas oo xafiis ku leh caasimadda Doha tan iyo 2012-kii.

Maxaa loo xiray marinka Rafax

Israa'iil iyo Masar ayaa xaddiday dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo dadka ee Qasa tan iyo markii Xamaas la wareegtay Maamulka dhulkaas 2007. Labada dal ayaa ku fasiray xannibaaddooda sababo ammaan.

Jawaabaha Israa’iil ee weerarkii Xamaas lama soo dhaweyn sababta ugu weyna waa go’doominta dhamayska tiran ee ay ku soo rogeen Qasa.

Wasiirka difaaca Israa’iil waxa uu amar ku bixiyay 9kii October inay dhamaan jareen adeegyadii ugu tagi jiray Qasa sida cuntada, korontada iyo shidaalka.

Dhanka kale Masar ayaa ka cabsi qabta qulqulka badan ee qaxootiga Falastiiniyiinta ee ka cararaya dagaalka.

Sidee caadi ahaan loo isticmaalaa isgoyska Rafax

Ma fududa in Falastiiniyiintu ka baxaan Qasa iyagoo sii maraya Rafax.

Falastiiniyiinta doonaya in ay adeegsadaan marinka waa in ay iska diiwaan galiyaan maamulka deegaanka ee Falastiin laba ilaa afar todobaad ka hor waxaana laga yaabaa in ay diidaan mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta ama Masar iyaga oo digniin yar ama sharraxaad ka bixin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Agoosto 2023, mas'uuliyiinta Masar waxay ogolaadeen 19,608 inay ka baxaan Qasa waxayna u diideen inay galaan 314 qof.

Post a Comment

0 Comments