Ticker

6/recent/ticker-posts

Wasiir Aw Xirsi oo cambaareeyey ‘bahdilka iyo masaafurinta’ Mahad Sheekh Muxyidiin

Wasiir Aw Xirsi


 Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadam Ibraahim Aw-Xirsi ayaa si adag u cambaareeyey bahdil, jirdil iyo tarxiilid la sheegay in Jubbaland ay u geysatay Mahad Sheekh Muxyidiin oo horay ay uga soo wada tirsanaayeen golaha wasiirrada ee maamulkaas.

Aadan Aw-Xirsi oo aad u mucaarada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo oo mar uu wasiir ka soo noqday ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray cambaareyntaan ku socotay maamulka Jubaland.

“Bahdilka iyo masaafurinta lagula kacay saaxiibkeygii hore ee aannu ka wada tirsanayn  Golaha Wasiiradda Jubaland Mahad Sheekh Muxyidiin oo ay sameeyeen ciidamada maamulka uu muddo-xileedku ka dhamaaday  ee magaalada Kismaayo aad baan u cambaaraynayaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Aw-Xirsi.

Waqtiga uu ku soo aaday beegsigaan ayuu sidoo kale farta ku goday wasiir Aw-Xirsi, isagoo sheegay in shaki weyn ay ka qabaan in tarxiilkaan uu la xiriiro dagaalka Al-Shabaab.

“Ku soo beegidda falkaan xilli ay umadda Soomaaliyeed dagaal aan waxba la isula harin kula jirto argaggixisada Al-Shabaab-na waa mid shaki weyn abuuri karta,” ayuu yiri Aw-Xirsi.

Dawladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aan qofna laga celin karin, lagana musaafuri karin dalkiisa, balse hadda ma jiro war raami ah oo ku saabsan tarxiilkaan cusub ee maamulka Jubbaland uu ku kacay oo ka soo baxay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa siyaasad adag ku maamula dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas, taasi oo u sahashay inuu in ka badan 10 sano sii heysto xukunka, iyadoo mucaarad kasta uu waxaba ka qaadi waayey.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad u xushmeysa Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah Ra’iisul wasaaraha dalka, sidoo kale wuxuu Axmed Madoobe galaangal xoogan ku yeeshay gudaha dowladda dhexe, sida baarlamaanka, wasiirrada iyo xafiiska Madaxweynaha intaba.


Post a Comment

0 Comments