Ticker

6/recent/ticker-posts

Maxaa soo cusbooneysiiyay baarista kiiska Fanaan 2 tupac Shakur

 


Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay inay bilaabeen baaritaan hor leh oo la xiriirka kiiska 'dilka' fanaan Mareykan ah oo toddobo iyo labaatan sano kahor dhacay. Fanaankan oo la yiraa Tupac Shakur ayaa la sheegay in 'geeridiisa kadib' mar lagu arkay Soomaaliya, iyadoo oo loo malaynayo in uu halkaas ku dhuumanayo. Dad u dhow fanaanka ayaa horey BBC ugu sheegay inay tuhun ka qabaan in Tupac uu nool yahay oo uusan geeriyoon.


Booliska Mareykanka ee gobolka Nevada ayaa helay fasax ay ku baari karaan guri laga shakiyay oo la la xiriirinayo 'dilka aan baaritaankiisu marna ba dhammaan' ee Tupac. Gurigaas ayaa ku yaal deegaanka Las Vegas, halkaas oo lagu toogtay fanaankan 1996dii. Boolis faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin baaritaanka oo ay ku sheegeen in uu weli qabyo yahay. Shakur ayaa ahaa 25 sano jir markii lagu toogtay jid ku yaal Las Vegas.

'Waxaa lagu arkay Soomaaliya 'dilkiisa kadib' isaga oo isqarinaya'
Ma jirto cid loo maxkamadeeyey dilkiisa waxaase in muddo ahba soo laa-laabanayey hadallo laga soo xigatay nin sheegay inuu arkay Tupac oo ay wada socdeen saaxiibkiis, ahna aasaasaha kooxda Outlawz Yaki Kadafi, oo uu sheegay inuu Soomaaliya ku arkay.

“Waxaan ku arkay Tupac Shakur iyo Yaki Kadafi Soomaaliya, ka dib dhimashada la sheegay inay dhinteen,” ayuu yiri Suldaan Mahdi sida lagu qoray wargayska Daily Star.

“Labadaba waxaan arkay ayagoo nool. Gaari ayaan ku dhex jiray, iyagana waxay u socdeen dhanka aan ka imid. Kadafi ayaa tilmaan gacanta ka bixinayey” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Inkastoo uu ninkaas sheegay inuu arkay Tupac oo nool, misna ma jirin cid kale oo sheegta nolosha fanaanka, ama xaqiijin karta hadalka Suldaan Mahdi.

Kadafi ayaa la arkay isagoo ka laad-laada jaranjarada dabaqa seddexaad ee dhisme ku yaalla New Jersey laba bilood ka dib geerida Tupac.

Wuxuu ahaa nin saamayn weyn ku leh heesaha Rap-ka

Kiiska Tupac Shakur waxaa ku gadaaman warar aan la xaqiijin karin, waxaana ka mid ah inuu weli nool yahay oo lagu arkay Afrikada bari 20 sano ka dib geeridiisa.

Ninkii la joogay Tupac habeenkii uu dhimanayey ayaa isna qaba in laga yaabo inuu weli nool yahay.

Suge knight, aasaasaha Death Row, oo lagu waraystay dokumentari la yiraahdo Who shot biggie and Tupac? ayaa waraysiga ku yiri “markii Pac uu dhintay, waaba haddii uu dhintaye …”

Wuxuu sheegay in ay aadeen cayaar feer ah oo u dhaxaysay Bruce Seldon iyo Mike Tyson, taasoo ka dhacaysay MGM Grand habeennimadii uu dhimanayey fanaanakaas 25 jirka ah.

“Habeenkii markii aan ka soo baxaynay isbitaalka waan qoslaynay waana kaftamaynay” ayuu yiri Suge Knight. “Uma jeedo sabab qof fiicnaa uusan u fiicnaan” ayuu sii raaciyey.

Booliska Las Vegas ayaa xaqiijiyey Talaadadii in ay ruqsad baaritaan bixiyeen todobaadkan taasoo lala xiriirinayo dilka muddada dheer ay ka soo wareegtay ee aan xalka laga gaarin ee fanaankii Tupac Shakur. Arintaas ayaa dib u soo celinaysa dil dhacay 27 sano ka hor, iyada oo ay boolisku faahfaahin ka bixin sababta soo cusbooneysiisay dilka.

Askartu waxay baaritaan ku sameeyeen guri ku yaalla Henderson oo ku taalla Las Vegas, halkaasoo ahayd halkii lagu toogtay Tupac Shakur 1996. Faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin baaritaanka. 25 jir ayuu ahaa markii la dilay.

Ilaa hadda cidna looma qaban dilka Shakur, waxaana geeridiisa ay timid ka dib markii cadaawad xoog leh ay dhex martay Notorious B.I.G, oo isna toogasho lagu dilay bil ka dib.

Xilligaas waxaa labadaas nin ee qaadi jiray heesaha Rap-ka ka dhexeeyey xifaaltan ay u kala safnaayeen xeebta bari iyo tan galbeed ee Maraykanka, xifaaltankaasna waa kan ay ku salaysnaayeen heesihii Hip-Hopka ee berigaas ay labada kooxood isu qaadi jireen.

Cadaawaddoodu waxay sii laba-lixaadsatay markii toogasho taas ka horraysay lagu dhaawacay Tupac burcadnimo laga gaystay degmada Manahattan ee New York.

Tupac oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Tupac Amaru Shakur waxaa loo arkaa inuu ahaa fanaankii ugu saamaynta badnaa fanaaniinta qaada heesaha Rap-ka, waxaana la gaday in ka badan 75 malyan oo ah heesihiisa.

Marka laga yimaado heesaha, wuxuu Tupac wax ka sameeyey dhowr filim waxaana ka mid ah Resurrection oo ah dukumentari, waxaana la sii daayey geeridiisa ka dib, sannadkii 2003.

Sidoo kale waxaa jira qoraallo iyo heeso dhimashadiisa ka dib suuqa la keenay oo malaayiin Doollar la kala siistay.

Waxaa aad looga shakisan yahay Orlando Anderson oo baaritaan uu sameeyey wargayska LA Times laga shakiyey inuu dilka ku lug lahaa.

Baaritaanka wagaysku wuxuu sheegayaa in Shakur iyo dhowr qof oo kale ay garaaceen Anderson isla maalintii ay toogashada dhacday, laakin booliska Las Vegas kuma soo darin arrintaas baaritaankooda.

Post a Comment

0 Comments