Dahir Alasow" Lama kulmayo qoowleysatada Saxaafadda,waxaana ajnabiyiinta ku iri"
Posted by Alasow on January 03 2010 01:21:57

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee Asoj Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa riyo maalmeed ku tilmaamay wararka ay shaqsiyaad caada qaatayaala la wareegayaan,kuna doonayaan in lala kulmo oo wada hadalo lala galo qoowleeysatada Saxaafadda Somalia.
Extended News
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee Asoj Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa riyo maalmeed ku tilmaamay wararka ay shaqsiyaad caada qaatayaala la wareegayaan,kuna doonayaan in lala kulmo oo wada hadalo lala galo qoowleeysatada Saxaafadda Somalia.
"Shaqsiyaadka ka tirsan Saxaafadda Somalia ee u nugul sandareerada,waxaan u sheegay inaan nolosheeyda la kulmeeyn qowleeysatadda Saxaafadda Somalia,waxaan keliya oo ku kulmi karnaa Maxkamad horteeda sidaas darteed waxaan dhamaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ka codsanayaa inay Midnimadooda adkeeyaan,kana feejignaadaan qiyaamooyinka ay sida wadajirkaa u maleegayaan qoowleeysatada Saxaafadda ee Somali iyo ajnabi isugu jirta"
Gudoomiye Alasow wuxuu sheegay inay telefoon ku soo waceen qaar ka mida qabqablayaasha ururada saxaafadda ajnabiga sidoo kalena ay emailo u soo direen hasse yeeshee ay isku khilaafeen qaabka loo furaa wada hadal.
"Ajnabiyiintu waxay doonayaan in Saraakiisha Saxaafadda ee ka dagaalantay hab dhaqanka qoowleeysatada la kala fadli yeelo,waxay doonayaan in si gaara loola kulmo,aniguna waxaan u sheegay inaan masuul ka tirsan horjoogayaasha bahda Saxaafadda Somalia la faquuqi karin,waxaan hoosta ka xariiqayaa inaan la kulmi doonin ilaa ay ka ogolaadaan Midnimadeena sida ay muqadis u tahay"ayuu yiri Dahir Alasow oo Wariyeyaasha kula dardaarmay inaysan rumeeysan hadii ay maqlaan war sheegaya inaan la kulmaya qoowleeysatada ama heshiis la gaarayo.
Gudoomiyaha Asoj wuxuu amaan gaara u jeedinayaan dhamaan Wariyeyaasha ku nool Afrika ee Somalia u dhashay gaar ahaan Shaatax,Daauud,Mohamed Siidii,Mohamed Hassan Olaad,Fardowsa Kuuriya iyo Nuxurkeey oo midnimadooda adkeeyay ahna Ururada madaxda ururada taageerada heysta Saxaafadda Somalia.
Bogaadin gaara wuxuu Dahir Alasow u jeediyay Jeekeey,Axmed Taajir,Odawaa,Boodhari,Sahro Yusuf,Xasan Fanax,oo si geesinimo leh ugu dhabar adeegaya hanjabaadaha ay ku hayaan shaqsiyaadka galay liiska Madoow.
"Waan arkay Emailada hanjabaada ee Omar Furuq qeeybinaa waxaanse leenahay,HABAR DHALI WEYDAY ALLEELE KU WAALATAY,waxaa alla mahadiisa in la mideeysan yahay,loona mideeysan yahay cadaaladda,hadii lagu riyoodo inaan nahay rag jiljilacsan ,derbiyada Breda iyo Denhaag lama wareegeen,waxaana hoosta ka xariiqayaa in Shaatax noo yahay Hormuud biyo kama dhibcaana,dhamaanteena waxaan ka nahay raali tilaabooyinka uu qaadayo"ayuu yiri Dahir Alasow.